Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helayo heshiiskii ay hore u kala saxiixdeen Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Xawaadle oo tabasho badan qabtay.

Heshiiska uu Xasan Sheekh la soo galay Beesha Xawaadle markii uu tagay Maxaas  waxaa ka mida in la hubeeyo 2 kun macawisleeyda reer Hiiraan ah sidoo kalana Mushaar la siiyo.

Heshiiska wuxuuu dhigayaa in sanadkii hore iyo kan hada socda inta ka baxday mushaarkeeda in la siiyo taasoo ah 200 Dolar askarigii.

Sidoo kale waxaa heshiska ku jira 86 Sarkaal u dhalatay Beesha Xawaadle in la dalacsiiyo darajo ahaan.

Qodobada heshiiska waxaa kale oo ku jira in macawisleydu sii wadaan dagaalada ilaa laga xoreynayo meelaha ay haystaan Alshabaab marka la eego Hiiraan iyo meeshii kale ee looga baahdo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDiyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaan ku dhaw Dhuuss-mareeb.
Next articleMasuuliyiin ka tirsan Midowga Africa oo Maanta Muqdisho soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here