Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday talaabadiisii ugu horeysay marka loo eego isla xisaabtankii uu balan qaaday kaasoo la xiriira jabkii dhawaan Dowlada ka soo gaaray dagaalkii Cowsweyne.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa talaabada koowaad uu qaaday waxay noqotay inuu xilka ka qaado Taliyaha Ciidamada lugta Soomaaliya Jen,Axmed Aadan Cali kaasoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa jabkii Cowsweyne islamarkaana uu lahaa amarka ciidamadii ugu horeeyay ee halkaas ka baxay.
Sarkaalkan ayaa xilka hayay sedex bilood oo kaliya waxana la maacaabay bishii June ee sanadkaan,lamana yaqaan in xil ka qaadista loogu dari doono dacwad iyo maxkamadeyn.
Sidoo kale waxa loo heystaa inuu sigay nafta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Nisa markii Madaxweynaha oo booqan rabay Galcad ay ciidamadii Dowladu isaga baxeen mar danbana isagoo hawada ku jira lagu war geliyay.
Dhanka kale waxaa isna xilka laga qaaday Taliye xigeenkii Ciidamada Xoogga Dalka oo sidaas oo kale isna loo heysto inuu ku lug lahaa in Ciidamada Dowlada ay ka soo baxaan Deegaano badan sida cowsweyne,ceeldheer iyo Galcad wuxuuna xilka hayay tan iyo sanadkii 2020-kii waxana xiligaas magacaabay Madaxweyniii hore Maxamed C/laahi Farmaajo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM