XOG: Madaxwayne Farmaajo oo fuliyay wajigii ugu horreeysay heshiis uu si qarsoodi ah ula galay Puntland & Jubbaland

0

Warar laga helay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu fuliyey wajigii ugu horreeyey heshiis uu si qarsoodi ah ula galay Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi [Deni] & Jubbaland Axmed Maxamed Islaan [A. Madoobe] intii uu socday wejigii 2aad ee shirkii Dhuusamareeb.

Heshiiskani, wuxuu qeexayey in Deni & Madoobe ay kala shaqeeyaan muddo kororsi 2 sanno ah, isna inuu tanaasul mug leh ka sameeyo qoddobo ay soo jeediyeen oo ay ka mid tahay; magacaabis xilal muhiim ah iyo in loo oggolaado  dhaqaale ay dowladdu ka xayirtay.

Jiritaanka heshiiska, waxaa caddayn ayaa la leeyahay  sida Madaxwaynaha Jubbaland A. Madoobe uu kaga gaabsaday markii hannaan aan sharciga waafaqsanayn uu baarlamaanku kalsoonidii kala noqday Raysul wasaarihii hore Xassan Cali Khayre, iyada oo maalmo kaddib Guddoomiyaha guddiga farsamada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Doorashooyinka Dalka loo magacaabay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu dhowdhow A. Madoobe.

C/risaaq Afguduud oo ka mid ah saraakiisha Puntland ee ku dhowdhow Madaxweyne Deni  ayaa isna shalay  loo magacaabay Taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaanna xil-kaas horay u hayey Cabdullahi Xasan Bariise.

Tillaabooyinkan ayaa ka marqaati kacaya jirintaanka heshiiska, waxaanna dad badani ay saadaalinayaan suurtagalnimada in baarlamaanku muddo 2 sanno ah ugu daro Dowladda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here