Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo berri uga qeyb galayo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Sida wararku sheegayaan, Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Nairobi waxaa la filayaa inuu shir doceed la qaato Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka mid ah Madaxda ka socota Afrika ee ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Kenya.

Shirkan ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaarintiisa laga waday Nairobi oo ay ka shaqeynayeen Diblomaasiyiin ka kala socota labada dal, oo uu ugu horreeyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, si labada Mas’uul la isugu soo dhoweeyo, loona dardar geliyo xiriirka iyo islaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Itoobiya ayaa dhawaan ka carootay xiriirka dhaw ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo baajisay safar madaxweyne Xasan uu ku tagi lahaa dalkeeda, iyadoo xukuumadda Adis-ababa ka cudur daaratay casuumadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here