MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa hoygiisa ku booqday Sanatar Muuse Suudi Yalaxoow oo xurguf siyaasadeed uu kala dhexeeyay mudooyinkaan danbe.
Khilaafka labada dhinac wuxuu yimid kadib markii duqa Magaalada loo magacaabay Yuusuf Madaale.
Waxaa jirey isku days hore labadooda isku arki lahaayeen oo uu diidqy Sanatar Muuse Suudi.
Warar ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in kulankaani ay ka soo shaqeeyeen ergooyin ku kala dhex jirey kuwaasoo ugu danbeyn ku guuleystay caawa in kulankaani dhaco.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in kulanka caawa uu yahay raali gelin iyo is cafin madaama siyaasyiintu xilka Madaxweynaha ka soke ay ehel dhaw yihiin.
Dhanka kale caawa madaxweynaha waxaa la sheegay inay wadooyinka loo xirin xiligii uu booqashadaan ku jirey iyadoo ay xusid mudan tahay in Muuse Suudi degan yahay Degmada C/casiis gaar ahaam Marinaayada.
XAFIISKA WARARKA.
DAYNIILE.COM

Previous articleCiidamada Israa’iil oo soo bad-baadiyay laba heyste
Next articleAf-hayeenka Booliiska oo Tira-koob ku sameeyay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Sh.jHoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here