Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa xabsiga Taliyihii uruurka Gaashaan oo magaciisa lagu soo koobay Caynte kadib weerarkii dhacay ee Hotel Xayaat.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee loo xiray Taliyaha iney tahay inuu toogtay nin kamid ah shabaabkii weeraray Hotel Xayaat oo isa soo dhiibay inuu toogtay.

Taliye Mahad Salaad ayaa inta uusan xiran Taliyaha magaciisa lagu soo koobay Ceynte wuxuu weydiiyay sabata uu u toogtay, waaana Taliyaha uu sheegay iney ka cabsi qabeen inuu isqarxiyo.

Mahad Salaad ayaa sheegay in ninkaas ay ka heli lahaayeen xog badan oo ku saabsan sida ay magaalada ku soo galeen iyo sida loo qorsheeyay weerarka.

NISA ayaa wajaheysa dhaliilo kala duwan oo uga imaanaya siyaasiyiinta oo ku aadan sidii ay u maareysay weerarkii Hotel Xayaaat oo inkabadan 20 qof ay ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here