Waxaa soo baxaya shakiyo badan oo ku hoos Duugan waxaa isku soo aadiyay guul darada ciidamada Dowlada ka soo wajahaya aaggaga Gobolka Mudug iyo diyaaradii UN-ka ee ku dhacday agaga Alshabaab.

Diyaarada UN-ka waxay Soomaalidu inta badan fahamsan yihiin in ujeedo siyaaaadeed laga lahaa in Alshabaab ay u gacan gashay diyaaradaasi.

Dadka siyaasada u dhuun dukeela ayaa rumeysan in si dad-ban rasaas loogu gudbiyo Alshabaab mar kasta oo la dhaho diyaarad baa ku dhacday aagooda.

Inkastoo wax cadeyna loo heyn hadana Soomaalidu waxay ka dhex arkaan sida ficiladu isu daba socdaan in sheekadaani wataan reer Galbeedka si Soomaalida looga ilaaliyo inay cagaheeda isku taagto.

Qorshaha hada socda ayaa ah in dib loo soo kacsho burburkii ku yimid awoodii alshabaab si sheekadu u noqoto i jiid aan ku jiidee waa gacma daalis.Maalmihii ugu danbeeyay waxaad maqleyseen ciidamada Dowladu  waxay ka soo baxeen  Caad,shabeeloow iyo Jeex-jeexa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMakaanik iyo Tareenkii Rakaab xume
Next articleXOG: Is fahamka Madaxweynaha iyo Muuse Suudi maxaa xiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here