Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay is fahmeen oo heshiis uu dhex maray Xuutiyiinta Yemen iyo Burcad Badeeda Soomaalida taasoo sii kordhin karta cabsida ay qabeen maraakiibta reer Galbeedku leeyihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay durba wada shaqeyn bilaabeen taasoo ku aadan  maraaiibta walow xuutiyiintu badanaa weerar uun ay ku qaadaan maraakiibta reer galbeed iyo Yuhuuda.

Advertisement

Inkastoo Xuutiyiinta aan lagu aqoon afduubka maraakiibta hadana waxaa jirta qaabab badan oo ay iskula shaqeyn karaa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Burcad Badeeda Soomaalida markeey afduubtaan maraakiibta ay geeyaan Yemen gaar ahaana ay u tagaan dagaalyahanada Xuutiyiinta taasoo shaki kale keeneysa.

Waxay u badan tahay in Burcad badeeda Soomaalida loo adeegsado inay sida Xuutiyiinta gantaalo ku weeraraan maraakiibta reer Galbeedka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha oo tacsi gudasho u tagay dalka Kuweyt+SAWIRRO
Next articleMaxkamada Gobolka Banaadir oo la hor keenay Gabar Tiktok isticmaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here