Wararka inaga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda la abaabulayo Mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye kuxigeenka Koobaad Ee Golaha Shacabka Sacdiya Xaaji Samatar.

Waxaa la isla dhex marayaa Mooshin laga keenayo Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Sacdiya oo hadal laga carooday ku hadashay saacado ka hor.

“Haddii aayada Qur’aanka aad dumarka ku ilaalin weysaan ragga culimada isku sheegaya, ogaada wlh gaalada ayaa la aadayaa, waana la wada gaaloobayaa… ballan baan ku qaaday sharciga jinsiga waan meelmarinayaa ama Muqdisho waa isaga tegeyaa” sidaas ayey tiri Gudoomiye Sacdiya”.

Xildhibaano ubadan kuwo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa abaabulayo mooshinkaan,xilli hore loo hadal hayey in kursiga laga ridan doono sacdiya.

Sharciga Jinsiga ayaa lasoo warinayaa in buuq durba abuuray iyadoo aan la hor geynin golaha shacabka,taas oo lasoo wariyey in xaaladu isbadeli doonto hadii la meel mariyo hindisahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here