Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi, shaqsiyaad ka tirsan Maamulka Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u xusul duuban sidii deeqda $12.7 Milyan ee ay maalintii shalay ahayd Dawladda Federaalka Soomaaliya ugu yaboohday gurmadka mashaqadii Suuqa Waaheen loogu wareejin lahaa Akoon gaar ah oo ka furan wadanka Djibouti.

Waxa la soo warinayaa in Muuse Biixi maanta uu khadka telefoonka kula hadlay Raysal Wasaare Rooble oo uu ka codsaday in lacagta aan lagu soo shubin Akoonada Gurmadka Suuqa Waaheen sidii uu qorshuhu ahaa, balse lagu shubo akoon ka furan Djibouti. Hasayeeshee, Raysal Wasaare Rooble ayaa ka gaws adaygay dalabka ka soo yeedhay Muuse Biixi.

Hadii ay suurto gasho, arrintani waxay dhabar jab ku tahay dadaalada socda, waxaanay niyad jab ku noqan kartaa dhaqdhaqaaqyda qaadhaanka loogu ururinayo taakuleynta masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen.

Dhanka kale, masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Soomaaliland ayaa wada dadaalo lagu hubinayo in deeqda $12.7 Milyan-ka ahi ay gaadho dadkii loogu talo galay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here