Sida ay inoo sheegeen xubno katirsan Madaxtooyada Soomaaliya waxaa la kala diray guddigii Madaxa banaanaa ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) sida la shaacin doono wakhtiyada soo socda.

Xaliimo Yareey ayaa lagu bedeli doonaa shakhsi aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wararku sheegayaan in Abshir Bukhaari oo London safar ugu maqan yahay.

Todobaad ka hor ayey Shabakadda Dayniile sii ogaatay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan Xaliimo Yareey iyo guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ee la kala dirayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here