XIGASHO LAACIB.NET
Cadaadis qarsoon ayaa ka taagan mustaqbalka dheer ee Vinícius Júnior, iyadoo qayb ka mid ah kooxdiisa ay wadaan qorshe ka duwan kan Real Madrid.
Wadahadalada heshiiska cusub weli waa mid fadhiid ah, inkastoo Vinícius uu haatan Real kula jiro qandaraas ilaa Juun 2027. Real Madrid ayaa gudaha garoonka Valdebebas dib uga soo cusbooneysiisay dooddan, iyagoo doonaya in ciyaaryahanka cusboonaysiiyo qandaraaskiisa ka hor xagaaga 2026.
Sida laga soo xigtay MadridistaReal, qaar ka mid ah wakiilladiisa waxay riixayaan inuu u dhaqaaqo heshiis weyn oo Sacuudiga ah, iyagoo doonaya gunnooyin dhaadheer. Dhanka kale, Real Madrid waxaa si buuxda uga go’an inay cusboonaysiiso heshiiskiisa, iyagoo aan ogolaan doonin inuu bilaash ku baxo.
Wadahadalladii ugu dambeeyay ee fool-ka-fool waxaa ku lug lahaa maamulaha Vinícius, José Ángel Sánchez, iyo Frederico Pena oo ka tirsan Roc Nation, taasoo matasha ciyaaryahanka iyo xirfadlayaal kale oo caalami ah.
Xaaladdu weli waa furan tahay, laakiin kala qaybsanaanta u dhaxaysa qorshaha cusboonaysiinta Madrid iyo cadaadiska ka imanaya qayb ka mid ah wakiilada Vinícius ayaa si muuqata u kordhaya.
XIGASHO LAACIB.NET

