IS-HEYSIGA GUDAHA VILLA SOMALIA!

Waxaa maalmo kahor bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada ee Twitter ka Villa Somalia lagu share-gareeyey qoraal uu boggiisa gaarka ah soo dhigay murashixii laga guulaystay ee Kenya Raila Odinga, lana follow gareeyey bogga Odinga. Iyadoo ka dib laga saaray qoraalka bogga Villa Somalia.

Haddaba Maxaa ka socda Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada

Xafiiskii Warfaafinta ee Madaxtooyada waxaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro khilaaf xooggan oo ka dhextaagan Agaasimaha cusub ee Xafiiska iyo Afhayeenka Madaxtooyada. Sida xoguhu caddaynayaan khilaafkooda oo ahaa mid muddo dheer soo jirey ayaa waxaa saldhig u ah.

1.Arrimo dhaqaale oo ay ugu horrayso sahayda safarrada.
2. Fursadaha ka soo muuqashada warbaahinta .
3. Iyo Maamulka shaqaalaha.

In muddo ah afhayeenka hadalladiisa laguna baahiyo Bogga rasmiga ah ee Villa Somalia, iyadoo dhanka kale, Khilaafkan ayaa hoos u dhac weyn u soo jiiday habsami u socodkii shaqada xafiiska taasoo si weyn looga dareenay diyaarintii Barnaamijka Boqolka maalmood iyo saamayntii guud ee xafiiska.

W/Q Abdulkadir Farah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here