Shir Gaar ah oo ay leeyihiin mas’uuliyiinta Gobolka Gedo & Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa ka furmay Degmada Dooloow Adoow,waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya shirkaasi.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Beled xaawo,Luuq iyo Dooloow ayaana ka qeyb galaya,xilli Canjeex Buule oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo uu ka qeyb yahay Shirkaas.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga ujeedada dhabta ah ee shirkaasi Itoobiya ka leedahay xilli guux uu jiro ku aadan gacan ku heynta Gobolka Gedo in Jubbaland State lagu wareejin doono dhawaan.

Xogo la ogaaday ayaa sheegaya in Buule Gareed Canjeex Gudoomiyaha Gobolka Gedo uu ka biyo diidsan in Axmed Madoobe la hoos geeyo Gedo oo ay u arkaan mid dib udhac geliyey sanadihii Jubbaland ay jirtay.

Dhanka kale warar la helay ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadlayo dagaal ka dhan ah Al Shabaab sidii looga xoreyn lahaa deegaanada Gedo ay ka joogaan,islamarkaana Itoobiya ay caawin doonto maamulka Gedo.

Dawladda Federaalka waxaa la sheegay in aysan ka warqabin shirka ka furmay degmada Dooloow Gobolka Gedo,waxaana la sugayaa in qodobo kasoo bixi doona shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here