Wararka inaga soo gaaraya Caasimadda dalka Itoobiya Ee Adis ababa ayaa sheegaya in halkaasi kulan gaar ah ku yeesheen xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane,Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,C/casiis Lafta gareen iyo Xildhibaan Mahdi Guuleed.

Kulanka weli si rasmi ah looma oga waxay kawada hadleen dhinacyada is arkay balse arimo siyaasadeed oo baaxad leh inay falanqeeyeen ayaa la rumeysan yahay.

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane,Xildhibaan Mahdi Guuleed Khadar,Madaxweyne Lafta gareen oo dhamaan Nabad iyo Nolol ah ayaa waxay hadda Siciid Deni doonayaan inay mad madowga ka dhex jiray Farmaajo dhameeyaan.

Adis ababa oo ah caasimadda Itoobiya ayaa wararka aan ka helnay waxay sheegeen in hoteelka Deni uu degganaa la isku arkay taas oo shirka uu ahaa mid arrimo xasaasi ah laga arinsaday.

Lama oga in arinta doorashada soo socota iyo isbaheysi siyaasadeed damacsan yahay si xisbiga dalka hadda hogaamiyo meesha inay kusoo laabtaan laga hor istaago.

Siciid Deni oo codad badan ka helay doorashadii 15-kii May sanadkaan ayaa waxa uu si kulul udiidanaa in Farmaajo dib loo doorto isagoo muujiyey sida uu uga soo horjeeday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here