Top Secret Information Inside - TeamBonding

Waxaa meeshii ugu adkeyd soo gaartay xiisada Siyaasadeed ee Puntland hadaad ogeyd tanaasulkii Madaxweynaha Puntland una heysatay in la is fahmay hada la soco xiisad siyaasadeed oo tii hore ka daran ayaa taagan.

Advertisement

Kadib markii habka Doorashada arinteedii la isku fahmay waxaa badalay oo hada la isku heystaa arinta Baarlamaanka oo Madaxweyne Dani uu kala direy halka iyaguna mudo kororsi smaysteen.

Halkaas markey joogto aan doonta ku soo saaree waxaad Is weydiineysaa kooxdii Dallada Mucaaradka maxay u aamusan yihiin, xageese jiraan .

Mucaaradka awalba isku hadaf ma ahayn kaliya inay dani ka soo horjeedaan ayay iskula socdeen, hada sababta ay u aamusan yihiin aan kaa daba geeyo warar hoose aan helnay ayaa sheegaya inay isku khilaafsan yihiin sidii ay kaga jawaabi lahaayeen isbadalada dhacay oo ay ugu muhiimsan tahay tan baarlamaanka oo mudo kororsi sameystay iyo Dani oo leh waan kala dirayaa.

Sirta uu idiin hayo Mareegta dayniiile.com ayaa ah in isbahaysi cusub uu abuurmay kuwaasoo kala ah Gudoonka Baarlamaanka,Madaxweyne xigeenka iyo reer aaran-jaan, waana kooxda ka danbeysa oo soo hidistay in Baarlamaanka uu mudo kordhin sameysto madaama ay sii ogaayeen in Sacidi Dani qorshihiisa koowaad ee mudo kororsiga haduu u socon waayo in qorshihiisa labaad uu ahaa in baarlamaanka cusub uu ka soo dhex saarto xildhibaano mar kale madaxweyne u soo dooran kara.

Akhriste aan kuugu darnee Dallada Mucaaradka waxay qarka u saaran yihiin inay laba u sii kala jabaan madaama reer  aaran jaan isbahaysi kale la sii xirtay,ogowna waxaa loo kala ordaayana waa cida madaxweyne ka noqon lahayd Puntland iyo cida ku soo bixi lahayd Madaxweyne xigeen iyo Gudoon Barlamaan.

Xaalada Siyaasadeed waxaa uga sii dari doonta hadii difaaca la isugu jiro iyo is guruubeysiga uu sababo dib u dhac ku yimaada doorashada taasoo dhinacyada is haya midkood ay dani ugu jirto.

Sidoo kale laba mid bay noqon in Saciid Dani Taageere ka helo qaar ka mida Mucaaradkiisii hore oo laftoodu sida reer Aaaran-jaan u hubneysan iyo inay isbahaysi sedexaad noqdaan marka laga yimaado kooxda Dani iyo kooxda reer Aaaran-jaan oo Garowe awood badan ku leh.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
QORE: WARIYE SUUD-MAQAATE

Previous articleDuqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Degmada Kaaraan oo dib u dhis lagu sameeyay+SAWIRRO
Next articleC/raxmaan Baadiyoow oo loo magacabay la taliyaha Madaxweynaha ee armaha dib u heshiisiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here