Warar hoose aan heleeno ayaa sheeegaya In maamulka cusub ee gobolka banaadir lagu dhawaaqi doono ayaa hadana waxaa la helayaa macluumaad kusaabsan shakhsiyaadka kasoo dhex muuqan karo mas’uuliyiinta la magacaabi doono.

Gudoonka sare ee Gobolka Banaadir oo dhowr xil ka kooban ayaa lagu loomay in muddo ah,balse Xisbiga UPD ayaa helay jagooyinka muhiimka ah ee maamulka gobolka banaadir.

Dadka la og yahay ee xogaha lagu helay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo loo magacaabi doono Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hore xilkaan usoo qabtay,mar kalena soo laaban doona.

Sidoo kale Warqaad ayaa heshay Macluumaad sheegaya in Wasiiru dowlihii wasaarada tamarta Soomaaliya Xukuumadii Kheyre Shukri Maxamuud Afrax loo magacaabi doono Gudoomiye kuxigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shukri oo sidoo kale aheyd Saxafiyad kasoo shaqeysay warbaahinta kala duwan Ee Soomaalida qaarkood ayaa waxay heysataa dhalashada Waddanka Ingiriiska oo ay in muddo ah ku nooleyd.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada ayaa loo magacaabi doonaa shakhsi magaciisa aan helnay si kooban Dhoore,Halka Maaliyada loo magacaabayo Ciise Guure.

Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Ee Gobolka Banaadir ayaa loo dhiibi doonaa Iimaan Nuur Iikar oo hore xilkaan usoo qabtay.

Xogta ayaa ah mid lagu kalsoon yahay waxaana Warqaad ay ka heleysaa xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana waxaa la sheegay in xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Maaliyada iyaguna ay qaateen shakhsiyaad katirsan UPD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here