Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in la baajiyo waddo kasta oo dhiig ku daadan karo  mar kale magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaanada kasoo jeeda KGS gaar ahaan kuwii udhawaa Madaxweyne Lafta gareen.

Aadan Madoobe ayaa dalbaday in lafta gareen laga dhaadhiciyo in uu xakameeyo xiisada Baydhabo mar kalena uusan amrin xabad ka dhacda magaaladaasi sidii jimcihii oo kale.

Xogta ayaa sheegeysa in Aadan Madoobe iyo Lafta gareen ayaa sii kala fogaaday markii xiisada gacan ka hadal gaartay xilli la sheegay in Muqdisho kulan ku dhexmari lahaa isaga iyo lafta gareen uu fashilmay.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muujisey inay damacsan tahay in sidii Shariif Xasan loogu qasbay 2018 oo kale Lafta gareen kursiga looga dejin doono taasi oo ah dhaqaale ay adeegsaneyso.

Qaar ka mid ah Wasiirada KGS ee ku dhaw Lafta gareen ayaa lasoo wariyey in lacago loo ballan qaaday si ay isku casilaan sidaas awgeedna beesha caalamka loo tuso lafta gareen cadaadisna loo saaro xilka uu ka dego qalalaasana uusan abuurin.

Inkastoo shalay iyo maanta uusan dhicin wax rabshad ah hadana xogta ayaa tebineysa in maleeshiyada golaha bad baadada KGS iyo ciidan daacad u ah Wasiirkii Warfaafinta KG ee is casilay Ilyaas Cali Nuur ay abaabul ka wadaan baydhabo.

Dhinaca kale ciidamada Nabad sugida KGS ayaa maanta cusbitaalka Baydhabo kala baxay dhaawaca nin la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ciidankii la weeraray jimcihii guriga Wasiirkii Hore Maaliyada Fargeeti kusugnaa,lama oga halka ay ciidanka Nisa la aadeen dhaawaca ay la baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here