Shabakadda dayniile ayaa heshay macluumaad kusaabsan in xil loo magacaabi doono C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo loo yaqaano C/rashiid Janan xilal horena soo qabtay.

Janan oo hadda kusugan Muqdisho ayaa Villa Soomaaliya waxay la rabtaa inuu Gobolka Gedo gudoomiye ka noqdo,sida xogaha ay sheegayaana dhawaan ayuu tegi doonaa Garbahaareey.

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaa ku guuldareystay inuu helo xildhibaan golaha shacbaka Soomaaliya uu raadinayey waxaana sanadkii hore 2021-kii uu isku soo dhiibay Dawladda islamarkaana ciidankii uu lahaa ayaa waxay sababtay inuu ku wareejiyey in la qarameeyana ka shaqeeyey Dawladdii markaasi jirtay.

C/rashiid Janan ayaa la tilmaamay in hadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad aad iskugu dhaw yihiin waana mida keentay tuhunka ah in Gobolka Gedo isaga loo gacan geliyo.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu garab taagan yahay Wasiir Janan,oo ay isku meel kasoo wada jeedaan ama taageero ahaan isa siin doonaan sidii Gedo majaraha ugu qaban lahaayeen.

Sidoo kale C/rashiid Janan ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa inuu hanto qadiyada in jubbaland iyo Gedo dib umataaneyntooda ka shaqeeyaan,isaga iyo Barre Hiiraale.

Lama saadaalin karo waxa isbadeli doona marka la eego qorshaha Villa Soomaaliya ee la sheegay in C/rashiid Janan ay umagacaabeyso Gobolka Gedo oo hadda gudoomiye ka yahay Canjeex Buule Gareed oo Nidaamkii hore nabad iyo nolol halkaasi geysteen.

Allaha unaxariistee Taliyihii NISA ee Gobolka Gedo Ee shalay la dilay Bakaal Kooke ayaa diidanaa in Gedo la hoos geeyo Jubbaland,iyadoo ay xitaa isku siyaasad noqonin maalmihii lasoo dhaafay inkastoo tiisii ay go’day.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here