Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka BFS oo laga soo doorto Puntland, ayaa wararku sheegayaan in uu noqon doono Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya, ka dib wada xaajoodyadii Deni iyo Madaxweyne Xasan SH kusoo dhexmaray magaalada Garoowe.

Xildhibaankan ayaa horey u soo noqday Taliyaha ciidanka Booliska, markii laga qaadayna, ayuu tagay Garoowe, wuxuuna Lataliye u noqday Siciid Deni dhanka Amniga ah.

Wararka ayaa soo baxaya, xili uu banaanka u soo baxay Heshiis horey u dhexmaray Xassan iyo Xamse oo ahaa in Jagada taliska ciidanka ee beesha Daarood-ka ay qaadanayso keenidiisa loo daayo Raysalwasaaraha.

Haddaba malaga yaaba in ay caqabd hor leh ka dhax abuurto Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyaha dalka mar hadii talada laga qayb galin doorista taliyaha booliska oo laga yaabo in loo magacaabo ninka ku hayb ah Xamza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here