MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Deegaanka Ceelasha biyaha waxaa ka dhacday arin qatarteeda leh kadib markii Aabe Soomaaliyeed uu gowracay wiilkiisa oo 12 jir lagu qiyaasay.

Aabahaan waxaa la sheegay inay kala tageen xaaskiisii u dhashay wiilkaan uu gowracay.

Advertisement

Xaaska guud ahaan waxay u dhashay 3 wiil isagu 2 ayuu hayaa iyaduna mid bay heysatay kaasoo ah kan ugu yar.

Wiilkaan uu gowracay ayaa ahaa kii ay hooyadu korsaneysay waxaana warbixinta ku helnay inuu jabay wiilka deetana uu u soo kaxeystay si uu u baxnaaniyo balse waxaa dhacday markuu xaafadiisa Ceelasha biyaha keenay wiilkii ayuuba nafta dhaafiyay,waxaana la sheegay inuu gowracay.

Arinta la yaabla leh ee warbixintaan ku jirta ayaa ah in dilka wiilka uu dhacay sabtidii la soo dhaafay islamarkaana ay hooyada dhashay wiilka ogaatay Talaadadii doraad xili inta u dhexeysay markey wacdaba laga qarinaayay ileen waa beer wax dhalay.

Hooyada oo magaceeda lagu sheegay Fardowso ayaa reerkeeda ku wargelisay dhacdadaan naxdinta leh, waxaana hada wada xaajood shalay soo bilowday uu u socdaa reerka hooyada iyo aabaha si looga hadlo dhibaatada uu gaystay aabahaasi.

Mar aan xooraansanay bal in maskixiyan odeyga si wax ka yihiin waxaa naloo sheegay in caafimaadkiisa uusan waxba ka xumeyn inta la ogyahay kaliyana la qiyaasayo xurguftii ay ku kala tageen qoyska inuu tirsanayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSacuudiga oo fasaxaya Ganacsiga Qamriga
Next articleWAR DEG DEG AH:Madaxweynaha Somalia oo gaaray Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here