Wasiirkii hore ee Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa saaxiibada dhawaa ee Madaxweyne Farmaajo, 5tii sanno ee lasoo dhaafayna soo ahaa ayaa noqday Ergayga gaarka ah ee Afrika u qaabilsan Ururka Islaamka, gaar ahaana qeybta suugnaanta Cunnadda Islaamka.

Xilka sare oo loo magacaabay Mas’uulkii labaad  oo kamid ah mas’uuliyiintii ugu dhawaa  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hay’adda sugnaanta cunnada Islaamka ayaa Siciid Xuseen Ciid u magacaabtey ergayga gaarka ah ee Afrika (IOFS Special Envoy for Africa)

Xoghayaha hay’adda sugnaanta cunnada Islaamka ayaa sheegay in uu hay’adda ku soo dhaweynaayo Mudane Siciid Xuseenn Ciid, wasiirkii hore ee beeraha ee Soomaaliya, waxaana loo magacaabey “Ergayga gaarka” ah ee afrika ee hay’adda bedqabka cunnada Islaamka ee loo soo gaabiyo IOFS.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu yiri: Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan hay’adda ku soo dhaweyno Mudane Siciid Xuseen Iid, isaga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee IOFS ee Afrika.

Wasiirkii hore ee Qorshaynta Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa isna sidaan oo kale loogu magcaabay xil heer gobol ah IGAD .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here