Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre oo lagu tiriyo inuu ka tirsan yahay Xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan hogaamiyo ayaa si cad warbaahinta horteeda uga sheegay inuu la dhacsan yahay guud ahaan siyaasada iyo qorshaha Xasan Sheekh hada  Dalka ku hogaaminayo iyo waliba damiciisa siyaasadeed ee mustaqbalka dhaw.
Xamza Cabdi_barre ayaa ka jawaabayay su’aal ahayd seed u aragtaa qorshaha Dowlada uu ka tirsan yahay inay Baarlamanka marinayaan qorshaha wax ka badalka Dastuurka kaasoo ay aad uga soo horjeedaan mucaaradka Dowlada.
Xamze Cabdi-barre wuxuu sheegay in mudo dalka lagu soo maamulayay sida hada wax lagu wado islamarkaana siyaasadu ka bixi waysay buuq iyo is qabqabsi madaxda sar sare ah sidaas daraadeedna loo baahan yahay siyaasad ka badalan oo ah dalku yeesho awood fulineed isagoo ula jeeda in Madaxweynuhu yeesho madaxweyne ku xigeen dalkana uu isago maamulo taasoo uu aaminsan yahay in kala daadashada looga bixi karo.
Qorshaha ah in dalku yeesho Madaxweyne ku xigeen,lagana taqaluso Ra’iisulwasaaraha,taas badalkeedana Madaxweynuhu awood dheeraada yeesho waa damaca Madaxweyne Xasan Sheekh,Ra’iisulwasaaruhuna wuxuu cadeyay inuu taas la dhacsan yahay .
” marka soomaalida qaar ku fakireyso madaxweyne Awood leh iyadoo laga cabsanayo sidii Sadaam Xuseen ,Qadaafi iyo Bishaar Al-asad ee diktetarka u eg, maxaan ugu fekeri la’nahay dhanka wanaagsan sida qaabka Mareykanka,Kenya ,Turkiga iyo dalal badan sida ay u sheeqeeyaan waana laga bixi lahaa iskadaba jiitankaan siyaasadeed “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
Mar uu sharaxayay inuusan marna dhamaaneyn muranka soo kala dhex gala Madaxweyne iyo Ra’siisulwasare ayuu tusaale usoo qaatay madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan cadde iyo C/rashiis Cali sharmaakaba inay markii danbe isku dhaceen sidey isugu fiicnayeen.
“Hadii aan qaadano Nidaamka Ra’iisulwasaare Awood leh isna sow laga cabsan maa in Ra’iisulwasaaruhu dikteetar noqdo”ayuu yiri Xamsa.
Sidoo kale mar uu sharaxaayay hadal heynta qaar oo ah hadii madaxweyne xigeen la sameeyo aan awood lahayn ma qancayan reerka xilkaasi haya ayuu tilmaamay in taasi mar walba hareyn oo aan la weyneyn reer eed tirsada.
“hada hadii la sameeyo Ra’iisulwasaare awood leh xagee joogaa reerka aqbalaaya madaxweyne aan awood laheyn
marka ma inaan iska lulano ayaa roon,haday xal noo tahay wax badan baan soo lulanay, xildhibaaada labada aqal wixii inoo fiican iyagaa noo dooraya aan ku kalsoonaano”ayuu yiri isagoo ula jeeda waxay u codeeyaan aan qaadano madaama uu hada horyaal qorshaha wax ka badalka dastuurka
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDowlada Somalia oo lagu wado in Maanta laga qaado cunuqabateynta hubka
Next articleHowlgal Ciidamada Dowladu ka fuliyeen deegaan Alshabaabku ku aasayeen Meydad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here