Xog hoose oo ay heshay Shabakadda Dayniile ayaa kuwarameysa in Senetor C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo katirsan Aqalka sare ee Soomaaliya & Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa waxay kusugan yihiin Magaalada Mandheera ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya.

Halkaasi waxaa socdaalkooda ku wehliyey labada shakhsi Sargaalka Itoobiya uqaabilsan Sirdoonka Gobollada Daawo la isku yiraahdo ee Gedo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Mandheera kula kulmeen seddexda shakhsi mas’uulka uqaabilsan Kenya dhinaca Soomaaliya ee ciidamada.

Wey adag tahay in warbixino dheeraad ah laga helo shirkaasi seddex geesoodka ah Ee Kenya & Itoobiya saraakiisha ka socotay iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed yeesheen.

Sidoo kale Cabdirashiid janan iyo Senetor fartaag waxay isna la kulmeen Wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale kaas oo u sheegay inuu garab taaganyahay oo uu ka caawin doono xoraynta deegaanadda gacanta al shabaab ku jira iyo qabashadda Caasimadda Jubbaland Bu’aalle,oo Al Shabaab kudhawaad 15 sano ka taliyaan.

Dhinaca kale Maalmaha soo socda waxaa shir uu ka furmi doonaa Degmada Doolow adoow kaas oo ay ka qayb galayaan, saraakiisha ka socota Kenya xubno ka socda Dawladda Itoobiya, mas’uuliyiin katirsan maamulka Gobolka Gedo, iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolkaasi sida Cabdirashiid janan, Senetor C/llaahi fartaag , Korneel Barre Hiiraale iyadoo arinta ugu weyn ee laga arinsanayo tahay in Jubbaland isbadel dhab ah laga keeno,meeshana laga saaro Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here