HomeWarkiiXOG XASAASI AH: Maxaa ka jiray in laga war hayay kiiska Somaliland...

XOG XASAASI AH: Maxaa ka jiray in laga war hayay kiiska Somaliland & Israa’|l?

La-taliyahii hore ee Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa qoraal kooban oo xasaasi ah uga hadlay xiisadda cusub ee dalku wajahayo & tallaabadii shalay Israa|l ku aqoonsatay Somaliland. Qoraalkiisa ayaa waxa uu ku dul istaagay dhowr qodob oo muhiim, sida isbedelka awoodda ee ku socda adduunka, loolanka Badda cas, hadalkii hoggaamiyaha Israa’|l ee shalay, dowrka Mossad ee sirdoonka ku lahaayeen falkii dhacay & mas’uuliyadda hortaalla DFS.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay “in uu caalamku isbedelayo, Soomaaliyana ay wajaheyo tijaabioyin bilow ah oo soo gaaray, fahan ballaaranna u baahan”.

Qoraalkiisa ayaa waxa uu ku yiri “Wixii shalay dhacay maaha wax fudud, waxaana meesha ku jiray u mahadcelinta Mossad”, qodobkaan oo u baahan in lagu baraafugo.

Dhinaca kale, Waxa uu qiray in wax kasta oo hadda dhacaya ay yihiin loolan sal u ah marin biyoodka Badda cas, saameynna ku yeelan karaa Sacuudiga, Masar & Xuutiga Yemen, halka Israa’|l ay is tuseyso in aan loolankaas looga guuleysan.

Dhanka sharciyadda & siyaasadda ayuu sidoo kale ka eegay mushkiladdan cusub, waxa sidoo kale uu ku tilmaamay sheeko aan ugub aheyn oo lasii hayay xogteeda oo muddo xan aheyd, halka wax kasta oo dhaca Soomaaliya xagga sharciga ku adagtahay oo Qaranku yahay mid gob ah.

Ugu dembeyn, DFS ayaa waxa uu hordhigay in lagu guul darreystay sidii loo wajahay kiiska gobollada Waqooyi “Somaliland” oo ay aheyd in si dhab ah gacanta loola galo “xalka wixii ka dhacay dowladdii askarta ee kacaanka aheyd”

Isaga oo qoraalkiisa ku sheegay in dowladahii waddanka soo maray 30-kii sano ee lasoo dhaafay aysan xalka arrinkaasi u marin toobiye sax ah.
WAXAA QOREY:  Wariye C/casiis Barrow
May be an image of one or more people and newsroom
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -