warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Shirkii lagu waday in ay horraanta bishaan yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka si loo xalliyo khilaafaadka labada dhinac ayaa gebi ahaanba fashilmay sida ay xaqiijinayaan dad xog-ogaal ah lama oga cidda sida gaar ah masuuliydda iska leh in shirkaas baaqdo.

Sidoo kale Xogta ayaa tilmaamaysa in uu jiro kala aamin-bax u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo rumaysan in uu dagaal kaga soo wajahan yahay dhanka madaxtooyada Somalia.

Inkastoo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa sida la sheegayo go’aansaday in aysan imaan Shirka meel kasta oo lagu qabto si dunida loo tuso in aanu waxba ka jirin Hal-ku-dhegga Xasan Sheekh ee “ Soomaali Heshiis ah dunidana Heshiis la’ ah” aan la ogeyn qaabka loo dhaqan galin doono hal ku dhigaas.

Sikastaba ha ahaate Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda dhammaan Dowlad Goboleedyadu hal mowqif ka taagan yihiin Khilaafka madaxtooyada Somalia oo aanu jirin Dowlad Goboleed heshiis la’ ah kadib doorashadii madaxweyne xasan sheekh maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here