Xog:gen Sadaaq Joon hor kacey Ciidamada Badbaada Qaran oo kulan isku ku yimadey Caawa ayaa sheegay inay iyaga sugi doonan Amniga dadka ku dhaqan Muqdisho.

Saraakiisha oo yeeshay kulan saacado qaatey ayaa isla gartey inay diyaariyaan qorshihii ay kula wareegi lahaayen amniga guud ee Magaalada Muqdisho.

Sidoolale Saraakiisha ayaa sheegay in iyaga ay udhasheyn Muqdisho islamarkaana ay Qoriga uqaateyn sidii ay dadka ay iyaga ka dhasheyn ugu noolaan lahaayen Nabad.

Saraakiisha ayaa si wadajir ah waxey usheegeyn inaysan ka amar qaadan lana shaqeyn doonin Taliyayaasha Ciidamada Dowlada qaybahooda kala duwan waxayna sheegeyn in aysan wadada hadal gali doonin illaa xilka laga Qaado Genaraal Odowa, Fahad Yaasiin,Kulane Jiis,Xijaar, Biixi ,Kambaala iyo Farxaan Qoroole.

Ugu danbeyntii kulanka ay isku ku yimaadeyn Saraakiisha Ciidamada Badbaado Qaraan ayaa waxaa lagu magacaabey Afhayn ku hadli doona afka Ciidamada Badbaada Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here