New York (dayniiile.com)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka hadlay dagaalka galay maalintii afaraad oo xiriir ah kaasoo u dhexeeya Xamaas iyo Yuhuuda islamarkaana isu geyn labada dhinac ay  ku dhinteen ku dhawaad 2 kun ruux.

Antonio Guterres ayaa si cad iskala saftay Yuhuuda xili loo baahnaa inuu dhex dhexaad ka noqdo dhinacyada is haya ee Xamaas iyo Isra’il.

Advertisement

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu ugu baaqay Xamaas inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan Yuhuuda islamarkaana sii daayaan maxaabiista ay ka qafaasheen ciidamada Isra’iil.

Masuulkaan ayaa si boor isku qarisa wuxuu warkiisa ku daray inuu Yuhuuda uga digaayo inay qaadaan hawlgallo aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah taasoo cadeyneysa inuu la safan yahay Yuhuuda sababtoo ah maba jirto holwgalo waafaqsan in dad shacaba duqeymo lagu xasuuqo.

“Waan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, hase ahaatee qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada ah, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah” ayuu yiri balse warkiisa marna kuma soo qaadan duqeymaha iyo xasuuqa Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleKenya oo shaacineysa liiska xubnaha Al-shabaab ee ka howlgala Ismaamulka Lamu.
Next articleSaraakiil Atmis iyo Maamulka Jubaland oo Dhoobleey kaga hadlay la dagaalanka Alshabaab+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here