BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysani saaka magaalada dhexdeeda dadka ku dhacayeen iyagoon xitaa masaajid ixtiraameyn taasoo lagu soo xasuustay shaqadii wanaagsaneyd ee uu Sanbaloolshe ka qabtay bariga Hiiraan.
Falalkaan amaan dari ayaa soo kordhayay tan iyo markii uu xafiiska Nabad sugida Somalia baneeyay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo asal ahaan Hiiraan ka soo jeeda.
Xogta aan helayno ayaa sheegaysa sidaan oo kale amniga Hiiraan uu xumaaday ka hor inta aan Sanbaloolshe loo magacaabin taliyaha nabad sugida ku dhawaad 2 sano ka hor markaasoo isbaarooyin la soo dhigtay inta badan deegaanada Gobolka Bariga Hiiraan balse markii sanbaloolshe oo dhiibay uu xaliyay dhibaatooyinkii amni xumida.
Hada xil ka qaadistaan danbe ayaa hadana waxaa u darsaday shacabka Hiiraan iyadoo xaaladu isku badashay in degmooyin iyo deegaano Alshabaab qabsadaan iyo amni xumo dhanka Magaalada Balad-weyne ah oo hada laga deyrinayo.
Lama yaqaan sida ay arintaan u xalin doonaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo u qeybsanaha Madaxtooyada ee dhanka Macawisleyda Muuse Salaad iyo Cali Jeyte oo kulamo ka wada Baladweyne iyagoo isku dayaya sidii amnigana loo xaqiijin lahaa islamarkaana Alshabaab dib looga saari lahaa meelihii ay qabsadeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
