MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho lagu dilay dad shacaba oo ku banaan baxayay suuqa siinaay xili ay ka cabaneyeen barakicin ay sheegeen inay Dowladu ku heyso tukaadooda ganacsi ee suuqaasi ay ku leeyihiin.Inta la ogyahay 2 gabdhod ayay toogasho ku dileen ciidamada Dowlada kadib markii ay isku dayeen inay rasaas ku kala eryaan dadkii shacabka ahaa ee banaan-baxa nabadeed ku dhigayay suuqa Siinaay ee Degmada Warta nabada.
Sida uu bartiisa Facebook ku cadeeyay Xildhiaan Yaasiin Farey ciidamada Dowlada ayaa si bareer ah u dilay dadkaasi sida nabada ah ku banaan-baxayay, xildhibaanka wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay dilka labadaasi gabdhood.
Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Shacabka banaanbaxay oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa ku sheegay sidan:-
Waxaan aad uga xumahay beegsiga bareerka ah ee loo geystay muwaadiniinta ku ganacsada Suuqa Siinaay iyagoo dhigaya banaanbax nabadeed oo ay ku muujinayaan cabasho ay ka qabaan barakicin iyo baa’bi’in loo geysanayo Dukaamadooda, Deegaankooda iyo ganacsigooda suuqa Siinaay.
Waxaa La dilay maanta oo taariikhdu tahay 25/07/2025 labo (2) gabdhood oo kamid ah dadka banaanbaxayey, waxaa sidoo kale la xabadeeyey dhalinyaro Cabashadooda ku muujinayay si nabdoon,
Waa in deg-deg caddaalada lagu horkeenaa dambiilayaasha dhibkaas geystay ee xabadaha nool huwiyey Dadka degan Siinaay oo weerar qaawan lagu soo. Qaaday”
Ma aqbaleyno in Muwaadiniinta Dhulkooda la boobo, Dhiigooda la daadiyo, xuquuqdoodana lagu xadgudbo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

