HomeWarkiiXOGTA: Askari reer Puntland oo dhowr xabadood ku dhuftay Taliyaha saldhigga Degmada...

XOGTA: Askari reer Puntland oo dhowr xabadood ku dhuftay Taliyaha saldhigga Degmada Eyl 

EYL (DAYNIILE.COM)-Askari ka tiran Ciidamada Booliiska Puntland ayaa la xaqiijiyay inuu xalay waqti danbe dhowr xabadood ku dhuftay Taliyaha saldhigga Booliiska Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Taliyaha ayaa dhaawaciisa waxaa la soo gaarsiiyay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland halkaasoo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo, waxaana dhaawaca uu ka soo gaaray labada lugood.

Askari ka tirsan Saldhiga Degmada Eyl ayaa la soo sheegayaa inuu xalay saq dhexe taliyaha oo hurda rasaas badan ooda kaga qaaday iyadoona rasaastu lugaha ka haleeshay.

“xalay 12-kii saqda dhexe ayuu Nin ciidanka saldhigga degmada katirsan oo dhalinyaro ah uu qori la dulyimid Taliyaha oo hurda dabadeedna xabad kaga dhuftay labada lugood, waxaana jaban mid ka mida ah lugaha”ayuu yiri xildhibaan Hiirad Aw Muuse oo katirsan golaha deegaanka degmada Eyl.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -