HomeWarkiiXOGTA: Axmed Madoobe oo jilbaha dhulka u dhigay saaxiibadiisa mucaaradka Samatabixinta iyo...

XOGTA: Axmed Madoobe oo jilbaha dhulka u dhigay saaxiibadiisa mucaaradka Samatabixinta iyo Puntland

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Warar hoose ayaa sheegaya in sababta shirka Kismaayo loo baajiyay ay isla ogyihiin Sirdoonka Dowlada Kenya iyo Axmed Madoobe halka mucaaradka samatabixinta iyo Saciid Deni aysan waxba kala socon.

Ciyaar  siyaasadeedkaani waxaa wata sirdoonka Kenya oo qorshahoodu yahay kaliya inay baajiyaan shirka Kismaayo kadib wada-xaajood hoose oo dhexmaray Kenya iyo Dowlada Somalia,Madaxweyne Xassan ayaa doorka ugu weyn ka ciyaray baajinta shirka Kismaayo.

Madaxweyne Xassan ayaa Dowlada Kenya hor dhigay inuusan isku qaadan karin fulinta  codsigii Kenya ee ahaa inuu joojiyo dhismaha Jubaland-ta cusub iyo in  Axmed Maddoobe uu Kismaayo ku qabto shir looga soo hor jeedo Dowladiisa taasin waxaa ka garaabay kenya oo wado kasta u martay inay joojiso shirka Kismaayo, wayna ku guuleysatay.

Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya inaaney waxba ka jirin hadal heynta ah in Mareykanku fariin usoo direy mucaaradka taasoo ah sheeko lagu qarinmayo sababta baajiska shirka Kismaayo.

Si kastaba danaha Dowlada Kenya oo ah inay Axmed ku hayaan Jubaland iyo danaha Dowlada Somalia ee ah inay kala disho mucaaradka ayaa meesha ku xoog badshay lamana yaqaan sida Madasha samatabixinta u aqbli doonaan ciyaartaan siyaasadeedkaan lala ciyaaray.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -