HomeWarkiiXOGTA: Ciidamo Axmed Madoobe uu soo direy oo Madera-Kenya la soo dhex-marsiiyay...

XOGTA: Ciidamo Axmed Madoobe uu soo direy oo Madera-Kenya la soo dhex-marsiiyay .

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Magaalada Mandera ee ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya aya sheegaya in ciidamo iyo gaadiid dagaal oo Axmed Madoobe uu soo direy inay soo dhexmareen halkaasi si ay kor uga soo galaan Magaalada Balad-xaawo oo ay isku hayaan ciidamada Dowlada Somalia.

Wararka ku saabsan ciidamadaani soo dhexmaray Mandera ayaa sheegaya in iyaga dartood xitaa loo damiyay isgaarsiinta Safaaricom iyo korontada si shacabku u gud-bin warbixinta ciidamada oo kadibna aysan u gaarin aqbaartaasi Balad-xaawo iyo kooxda C/rashidi Janan.

Isgaarsiinta Caawa fiidkii ayay Mandera caadi ku soo laabatay lamana oga in ciidamada gaareen Balad-xaawo iyo inkale balse dhowr saacadood ayaa la jaray korontada iyo isgaarsiinta Madera.

Xogaha la helayo waxay intaasi ku darayaan in labada Dowladood ee deriska la ah Somalia ee Kenya iyo Itoobiya labadaba inay taageerayaan Ciidamada Maamulka Jubaland iyagoo hagar daameyneysa Dowlada Somalia xili ay iskaga dhigayaan inay xiriri fiican la leeyihiin.

Gurmadka Axmed Madoobe uu soo dirayo waxay ku soo aadeysaa xili maanta diyaaradaha Ciidamada Xooga ay Balad-xaawo soo gaarsiiyeen rasaas iyo qalab isgaarsiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -