HomeWarkiiXOGTA: Dagaal dhexmaray Maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Xeraaale iyo Cabud-waaq.

XOGTA: Dagaal dhexmaray Maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Xeraaale iyo Cabud-waaq.

CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Wararka  laga helaayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu degan yahay deegaanka Jibsiile kaasoo shalay ay ku dagaalameen laba meleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda deegaanka Xeraale iyo Degmada Cabud-waaq.

Labada Maleeshiyo beeleed ayaa qarka u saaran inay maanta mar kale ku diriraan isla deegaankii shalay oo ay wali isku horfadhiyaan iyadoo aaney jirin cid ku kala dhex jirta.

Dagaalka shalay oo xalay soo gaaray ayaa wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan in maanta ay labada reerba helayaan gurmadyo taasoo cabsi hor leh gelisay shacabka oo rajo ka qabay in dagaal xal loo helo.

Dagaalkii shalay waxay iska dileen labada Maleeshiyo Beeleed ilaa 20 ruux oo labada dhinac ah halka dhaawacyana ay jiraan.

Labadaan beelood ayaa isku haya dhul mid kasta uu sheeganayo inuu isaga leeyahay waxaana jirta in marar dhowr ah maamulka Galmudug uu heshiis kala dhex dhigay labada dhinac balse waxaa muuqata inuu soo noqnoqanayo iska hor imaadka labadaan reer.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -