HomeWarkiiXOGTA: Dhacdo layaab leh oo Saaka ka dhalatay Arooska wariye Jareer-weyne ah...

XOGTA: Dhacdo layaab leh oo Saaka ka dhalatay Arooska wariye Jareer-weyne ah iyo Gabar Xawaadle ah

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Dhacdo la yaab leh ayaa saaka ka taagan Magaalada Jowhar kadib markii xabsiga la dhigay wariye ka soo jeeda qabiil ahaan Besha Jareerweyne kaasoo lagu magacaabo Shariif.

Wariye Shariif ayaa lala soo xirey Gabar Beesba Xawaadle ka soo jeeda oo uu dhawaan guursaday,waxaana loo heystaa sabab aad u guursatay.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in wariyaha lagu cadaadinayo inuu furo gabadha haduu in xabsiga laga sii daayo balse wuu diiday.

Warar kale ayaa sheegaya in xitaa odey dhaqameed ka soo jeeda wiilka Jareerweyne reerkiisa in loo wacay islamarjaana ay iyaga xataa diideen isku day looga dhaadiicinaayay in gabadha la furo si arinta saas loogu xaliyo.

Taliye ku xigeenka Booliiska Jowhar ayaa la sheegayaa inuu ka danbeeuo xariga wariyaha xili la sheegay inuu ku qabiil yahay gabadha la guursaday.

Lama saadaalin karo sida xalku noqon karo madaama Hay’adaha  amjiga Maamulka Hirshabelle iyagii sameynayaan xunsurimilo waaba hadii uu sax yahay sida xariga loo dhigay marka la eeho sida xogta aan ku helnay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -