Siyaasi Cabdi-Sataar Xasan Cali oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda dhulka Maamulka Koofur-galbeed ayaa eedeyn culus wuxuu u jeediyay Madaxweynihii hore ee Solomaaliya Shariif Sheekh Axmed taasoo la xiriirta dhanka qoyska.
Siyaasi Cabdi-Sataar Xasan Cali wuxuu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed inuu dayacay xaas hore ugu dhashay 4 caruur ah oo hada degan Magaalada Nairobi laguna magacaabo Farxiyo Abiikar,wuxuu sheegay inay iyadu caruurta heysato oo korsato.
“Sheikh shariif sheikh Ahmed inuu gun yahay waxaa ku ogaaneysaa waxaa Afar caruur u dhashey gabar magaceeda layiraahdo farxiyo Abiikar Afarta caruur magaalada Nairobi ayey u degan yihiin oo isla hooyadooda oo farxiyo ah ayaa caruurta u heysa oo mar hore furey” ayuu yiri Siyaasi Cabdi-Sataar Xasan Cali.
Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu ku eedeeyay walaalka ka yar Sheikh shariif inuu isna mudo 5 sano ah xabsi ku hayo xaaskiisa hore oo iyadana ka soo jeeda koofur Galbeed
Sheikh shariif mid ilmo Adeer yihiin oo layiraahdo shariif dheere wuxuu qabaa muno ibraahin Abiikar oo shan sano ay u xiran yahay daahir sheikh Ahmed oo sheikh shariif walaalkiisa ka yar ah dadka sidaan xaquuqdooda loogu tumanaayo waa reer koofur Galbeed waxay kasoo jeedaan qabiilka layiraahdo Geledi oo digil ah waana reer Afgooye.
“Sheikh shariif mid ilmo Adeer yihiin oo layiraahdo shariif dheere wuxuu qabaa muno ibraahin Abiikar oo shan sano ay u xiran yahay daahir sheikh Ahmed oo sheikh shariif walaalkiisa ka yar ah dadka sidaan xaquuqdooda loogu tumanaayo waa reer koofur Galbeed waxay kasoo jeedaan qabiilka layiraahdo Geledi oo digil ah waana reer Afgooye” ayuu mar kale yiri Cabdi-Sataar
ccc
DAYNIILE.COM
