NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya dhibaato xooggan oo ka dhex taagan Dowlada Kenya iyo Ganacsatada Soomaalida ee xaafada Islii iyo guud ahaan Kenya ka xamaalata kadib markii canshuur xad-dhaaf ah Kenyaanku saareen ganacsigii Soomaalida.
Soomaalida waxaa soo food-saartay cabsi laga qabo in sannadaha soo socda uu ganacsiga xaafadda Islii xirmo, islamarkaana Soomaalidu iskaga guuraan magaalada Nairobi.
Maxamed Ismaaciil Shiine oo ka mid ah gudiga ganacsatada Soomaalida ee Kenya ayaa si cad u sheegay inay taagan tahay dhibaato weyn oo keeni karta in dhawaan uu xirmo ganacsiga Somaalida ee Xaafada Islii.
Maxamed Ismaaciil Shiine wuxuu xusay canshuur kordhinta ama cunaqabateynta Dowlada ku heyso Soomaalida inay keentay in hada ganacsatada soomaaliyeed u wareegsadeen inay ganacsigooda kala soo degaan dalka kenya deriska la ah ee Tanzania.
“Hal-kii konteenar waxaa la canshuuri jirey sedex sano ka hor 15-kun oo doolar halka maanta halkii kontooner la canshuurayo 5-6 kun doolar oo ay u sii dheertahay daahitaan badan oo dhowr bilood uu dekada ku xayiranaanayo iyadoo cudur daar sax ahna aan la siineyn Soomaalida”ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Shiine
Sabababhaan oo is biirsaday darteed ayuu Maxamed Ismaaciil Shiine sheegayaa inay sanadaha soo socda keeni karto in Soomaalidu isaga huleelaan Kenya islamarkaana lag yaabo in Ganacsatada Dalka shiinesku inay qabsan doonaan ganacsiga xaafada Islii.
Maxamed Ismaaciil Shiine wuxuu intaasi ku daray in shalay ay gudiga ganacsatada Soomaalidu la shireen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga ee dalka Kenya ayna u gudbiyeen cabashadooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
