HomeWarkiiXOGTA: Halka ay ka yimaadeen ciidamada maanta jebiyay maamulka Jubaland iyo C/rashiid...

XOGTA: Halka ay ka yimaadeen ciidamada maanta jebiyay maamulka Jubaland iyo C/rashiid Janan oo u mahadceliyay.

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo Beeleed saacado ka hor un ku soo biirey ciidamada Dowlada Somalia ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii sababta u ahaa inay jabaan ciidamadii Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe ka amar qaadanayay.
Ciidamadaan oo tiradoodu ahayd 100 askari ayaa la sheegay inay dhamantood ka soo jeedaan Beesha Reer Cali Xuseen (Mareexaan) kuwaaoo ka mid ahaa kuwii Axmed Madoobe uu ku tiirsanaa,waxayna ku biireen galabta ciidamada Dowlada wax yar ka hor inta uusan dagaalku soo afjarmin.
Gudoomiyaha Gobolka Geddo C/laahi Shinbir ayaa cadeeyay tirada ciidankaasi iyo inay qeyb ka ahaayeen soo afjarista dagaalkii ka socday Magaalada Balad-xaawo.
Dhanka kale C/rashiid Janan oo ah madaxa guud ee Amnig Gobolka Gedo iyo Taliyha NISA ee Geddo ayaa dhalinyaradaasi u mahadceliyay isagoo farxad badan ay ka muuqatay mar uu hadalo kooban ka jeedinayay ku soo biiristoodii dhanka Dowlada Somalia.
Ciidamadaani oo aad hubeysan ayuu Crashiid soo bandhigay isagoo ku amaanay sida ay u garteen inay Dowladnimada ku soo biiraan islamarkaana dowladnimada ay qeyb ka noqdaan.
C/rashidi Janan wuxuu isla goobta kaga dhawaaqay in ciidamadaasi saacadaas laga bilaabo ay ka mid yihiin ciidamada Nabad sugida Qaranka ee NISA, hada kadibna ay leeyihiin wixii xuquuq ah oo ay helaan guud ahaan ciidamada NISA ee Qaranka Somaliyeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -