MOMBASA (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amaanka Dalka Kenya ayaa guul weyn oo lagu farxo ka gaaray halis caafimaad oo loo qarin rabay shacabka ku dhaqan Nairobi oo Soomaalidu ka mid tahay kadib markii ay qabteen wasaq loo soo ekeysiiyay saliida raashinka lagu karsado ee loo yaqaan saliid cadeyda.
Dhagar qabayaasha waxaa lagu qabtay Magaalo xeebeedka ay Dekadana ku taal ee Mombasa walow la sheegay in Nairobi loo waday madaama wixii dekada ka soo daga loo qeybiyo dalka oo dhan.
Hay’adaha amniga waxay ku guuleysteen inay qabtan wasaqdaasi oo lagu shubayay caagadaha lagu yaqaan shirkadaha saliida raashinka soo saara si shacabka looga dhigo saliidii raashinka lagu karsanayay.
Saliid beeneedkaan waxaa loo sii waday suuqyada Nairobi si shacabka loogu baab’iyo oo ay cuduro uga qaadaan laakiin Alle SWT ayaa ka bad-baaiyay umada dhagrtaasi loo maleegayay.
Arinta ugu cajiibsan ayaa ah markii Booliisku qabteen iyadoo wasaqdaasi laga shubayo gaadiidka waa weyn ee qaada shidaalka waana qiyaasi kartaa akhritow cadadka ay la ekaan karto saliid beeneedkaasi baabuurta laga shubayay inta qoys ay gaari karto iyo halista caafimaad ee ka dhalan kara.
Si kastaba Soomaalida iyo umada kale ee ku dhaqan Nairobi waxaa la gudboon inay iska ilaaliyaan waxa ay saliid ahaan u iibsanayaan madaama lacag darteedwax kasta loo sameynayo, mida kale Kenya oo Dowlad weyn ka jirto makey saan tahay waxaa la qiyaasi karaa in Dalkeena Somalia lau dhex qarin karo wasaq badan oo raashin loo ekeysiiyay waana sababta isbitaaladu u buuxdhaafiyeen.

