MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale heshiis isla gaaray sida aan xogta ku helnay Madaxtooyada Somalia iyo Mucaaradka la baxay Golaha Mustaqbalka Somalia taasoo ku aadan imaanshaha Muqdisho ee labada Madaxweyne ee Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe.
Gudiga labada dhinac ayaa ku heshiiyay mar kale maanta in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadaan kiiba 40 askari iyo min 10 dharcad ah oo bistoolado ku hubeysan.
Warar kale oo aanan xaqiiqo u heyn ayaa sheegaya inuu heshiiskaani ku yimid faragelin beesha Caalamka xageeda ka timid kuwaasoo markii horaba ku lug lahaa aqbalaada Muqdisjo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Lama oga sida ay heshiis uga gaari karaan masiirka Dalka sida doorashooyinka mar hadiiba faragelin hada ay ku imaanayaan mucaararadka halkii la rabay in Somalinimada la isku fahmo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
