HomeWarkiiXOGTA: Iska hor-imaad dhimasho badan sababay oo xuduuda ku dhexmaray ciidamada Dalalka...

XOGTA: Iska hor-imaad dhimasho badan sababay oo xuduuda ku dhexmaray ciidamada Dalalka Uganda iyo Koofurta Sudan.

South Sudan armyXuduuda Dalalka Uganda iyo Koofurt Sudan ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhacay iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidamada labadaasi dal taasoo sababtay dhimasho badan oo askarta soo gaartay xitaa saraakiil ayaa ku jirta kuwa dhintay.

Haddaba sidee wax u dheceen maxaa keenay iska hor-imaadka oo aan ahayn mid toos u dhex-maray labada dhinac balse wuxuu ahaa mid goos goos ah oo kala aar-gudasho oo kale,waxaana la sheegay in meesha dhibaatadu ka dhacday ay tahay soohdin labada dal ku muransan yihiin lahaanshihiisa.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Uganda iyo dalka deriska la ah ee Koonfurta Suudaan, oo muddo dheer is-baheysi ah, ayaa toddobaadkaan ka billowday soohdinta gobollada lagu muransan yahay ee xuduudda, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan afar askari, sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah ee labada dhinac.

Kumanaan rayid ah ayaa tan iyo markii ay ku barakaceen deegaannada ay dhibaatadu saameysey iyadoo dadku ay u qaxeen si nabad ah iyadoo ay jirto rabshado naadir ah oo dillaacay.

Is-rasaasayn ayaa billaabatay Isniintii, waxaana ay ku soo beegmaysaa iyadoo Koonfurta Suudaan oo ka mid ah dalalka ugu da’da yar adduunka ay wajahayso rabshado hor leh oo ka dhashay kala jabka ka dhex jira dowladda Madaxweyne Salva Kiir oo horseeday dagaal u dhexeeya ciidammada Koonfurta Suudaan iyo jabhad hubeysan.

Uganda waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay in arrintaa lagu hayo iyada oo ciidamo u dirtay si ay u caawiyaan ciidamada Kiir. Si kastaba ha ahaatee, khilaafkii ugu dambeeyay ee u dhexeeya ciidamada labada dal ayaa dhalinaya su’aalo la xiriira xaaladda isbaheysigaas.

MAXA DHACAY

Maxaa dhacay?
Waxaa jira xisaabaadyo iska soo horjeeda oo ku saabsan dhacdooyinkii bilaabmay abbaaraha 4:25 galabnimo wakhtiga maxalliga ah (13:25 GMT) ee Isniintii, taas oo adkeynaysa in la tilmaamo dhinaca marka hore soo dhacay.

Labada dhinac ayaa isku afgartay halka uu dagaalku ka dhacay, balse mid walba waxa uu ku andacoonayaa in goobtaasi ay tahay dhul u gaar ah.

nnnnn

Af-hayeenka ciidamada Uganda, Major-General Felix Kulayigye, ayaa arbacadii u sheegay warbaahinta in dagaalku uu yimid markii askarta Koonfurta Suudaan ay ka gudbeen dhulka Uganda ee gobolka West Nile oo ay fariisin ka sameysteen.

Askarta Koonfurta Sudan ayaa diiday inay baxaan ka dib markii loo sheegay inay sidaas sameeyaan, Kulayigye ayaa yidhi, taas oo keentay in dhinaca Uganda ay xoog adeegsadaan.

Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa lagu dilay iska horimaadka halkaasi ka dhacay, Kulayigye ayaa intaa ku daray in dagaalkaasi kadib ay ciidamada Uganda ka jawaabeen kadibna ay halkaasin markooda ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidamada South Sudan.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka milateriga ee Koonfurta Suudaan, Major-General Lul Ruai Koang, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay goor sii horreysay oo Salaasadii in ciidammada labada jamhuuriyadood ee walaalaha ah ay rasaas isku weydaarsadeen dhinaca Koonfurta Suudaan, oo ka tirsan gobolka Kajo Keji ee gobolka Bartamaha Equatoria.

Labada dhinac ayuu sheegay in uu soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac, isagoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin.

Wani Jackson Mule, oo ah hogaamiye maxali ah oo ku sugan degmada Kajo-Keji, ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay weerar lama filaan ah ku qaadeen dhulka Koonfurta Suudaan.

Mule ayaa sheegay in mas’uuliyiinta deegaanka ay tiriyeen meydadka shan sarkaal oo u dhashay Koonfurta Suudaan.

Taliyaha ciidamada deegaanka Kajo-Keji, Sarreeye Guuto Henry Buri, oo isla hadaladii Mule ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay si aad ah ugu hubeysnaayeen taangiyo iyo madaafiic.

Taliyaha ciidanka xoogga ayaa sheegay in ragga dhintay ay kala ahaayeen labo askari oo u dhashay dalka Koonfurta Suudaan, labo askari oo boolis ah iyo hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta.

Dagaalka ayaa saameeyay tuulooyinka dhaca xuduudka, waxaana uu sababay in dadkii halkaasi ku sugnaa ay isaga carareen, kuwaasi oo si deg deg ah ugu barakacay goobo kale oo nabdoon.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMUganda South Sudan borderMap of Uganda and South SudanSouth Sudan's President Salva Kiir, right, and Vice President Riek MacharWhite Army

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -