BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Itoobiya iyo Kenya inay bilaabeen inay ka saacidaan Ciidamada Maamulka Jubaland sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo halkaasoo dhawaan ciidamada Dowladu ka soo eryeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland oo garab ka helaya labadaani Dowladood ay hada dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka Balad-xaawo iyagoo isku diyaarinaya inay mar kale Balad-xaawo ku soo laabtaan.
Wararka qaar sheegaya in ciidamadaani oo dhiiragelin ka helaya Itoobiya iyo Kenya ay hada soo kulaalayaan Balad-xaawo islaarkana ay suuratagal tahay inay soo weeraran Balad-xaawo saacadah soo socoda.
Xaalada Magaalada Balad-xaawo ayaa hada degan waxaana si buuxd gacanta ugu haya ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaliya oo uu hogaaminayo C/rashiid Janan oo ah Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Gobolka Geddo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
