HomeWarkiiXOGTA: Khilaaf hoose oo soo kala dhex-galay Cali Guud-laawe iyo Dowlada iyo...

XOGTA: Khilaaf hoose oo soo kala dhex-galay Cali Guud-laawe iyo Dowlada iyo badalkiisa oo la hadal hayo.

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Warar hoose oo laga helaayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshaelle ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf soo kala dhex-galay Dowlada iyo Cali Guud-laawe oo ah Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia fagelin ku bilowday Madaxtooyada Hirshalle taasoo keentay in Cali Guud-laawe marar dhowr ah ka hor yimid magacaabis saraakiil oo ay sameysay Dowladu xili isaga aan lagala tashan.
Saraakiisha Dowladu Jowhar u magacowday waxaa  ka mid ah Jenaraal Saneey Cabdulle oo loo dhiibay inuu hogaamiyo guutada 3-aad ciidamada xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Jowhar waxaana xilkiisa laga qaaday sarkaal ku dhawaa Cali Guud-laawe kaasoo lagu magacaabo Ibraahim yusuf  balse wuu ku gacan sayray magacaabistaasi taasoo aan wali la xalin.
Sidoo kale Dowlada Somalia ayaa iyadoon la tashan Cali Guud-laawe waxay magacowday Taliyaha Police-ka magalada Jowhar sidoo kale Cali Guud-laawe wuu diiday maacaabistaasi taasoo sii kordhisay kala shakiga labada dhinac.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in dhawaan Dowladu qorsheyneyso inay badasho Cali Guud-laawe waxaana la wali si rasmi ah loo ogeyn siyaasiga badali kara midkuu yahay iyadoona laga yaabo inay waqti qaadato in hogaan cusub loo sameeyo Hirshabelle.
Khilaafkaan oo aan banaanka iman, hadiiba xogta la helayo run tahay waxay ku soo aadeysaa xili inta  badan uu jiro cabasho laga muujinayo Madaxweyne Cali Guud-laawe taasoo salka ku heysa waxqabad la’aan dhanka horumarka iyo amnigaba ah.
Dhanka kale Cali Guud-laawe wuxuu xubin ka yahay Xisbi siyaasadeedka JSP ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan,lamana saadaalin karo waxay u dhimi karto arintaasi hadii labada dhinac kala boodaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -