MUQDISHO (DAYNIILE.CO)-Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beri Magaalada Muqdisho kulan kula leh sedexda Madaxweyne Maamul Goboleed ee kala ah Koofur-galbeed,Hirshabelle iyo Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmex Cabdi Kaariye Qoor-qoor) maanta ayuu soo gaaray Magaalada Muqdisho si uu shirkaan uga qeybgalo.
Warar ku dhaw dhaw ujeedka shirka ayaa sheegaya in Madaxawynuhu kala tashan doono sedexdaam maamul Goboleed oo ku jira xisbiga Madaxweynaha arinta wada-xaajoodka Madaxweyne Xasan kula jiro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam xili lagu wado Madaxweynuhu inuu Kismaayo ku laabto.
Wada-xaajoodka Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe ayaa wali waxaa jirta rajo ah in heshiis laga gaaro.
Warar ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Maamuladaan uu beri subax ka tala gelin doono waxyaabaha Axmed Madoobe Dowladu uga tanaasuli karto si heshiisna loo gaaro islamarkaana doorasho la isla ogyahayna loo anba qaado.
Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan diyaar u yahay in Axmed Madoobe loogu daro laba sano oo dheeraad ah lana aqoonsado si uu ugu badasho inuu jubaland ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo ay ka horeyso mida Golaha deegaanka.
Si kastab Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ku laabto Kismaayo xili markaa rajadu tahay inay heshiis kala saxiixdaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM