HomeWarkiiXOGTA: kulan lagu wado inuu dhex-maro mucaaradka garabka Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne...

XOGTA: kulan lagu wado inuu dhex-maro mucaaradka garabka Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Mucaaradka Dowlada garabka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ay la kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac waxaa la sheegay inay isla soo qaadi doonaan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kulamadii Dowlada iyo mucaaradka ee dhawaan istaagay  madaama kooxdaan ka soo baxday samatabixinta ay awalba isku qabteen saaxiibadood in shirka Dowlada lala leeyahay ay qaadacaan iyo inay sii wadaan oo dalka doorasho loo jiheeyo.
Inkastoo dhinacyadaan aysan wali cadeyn hadana wararka hoose ee la helayo waxay xusayaan in shirarkii mucaaradka iyo Dowlada u dhexeeyay inay ka dhigi doonaan in natiijo laga gaaray islamarkaana war murtiyeed ay isla soo saari doonaan Dowlada iyo garabka Cumar C/rashiid .
Madaama shirarkii hore ugu socday samatabixinta ay jireen qodobo labada dhinac isku raaceen ayaa hada waxaa la sheegayaa in warmurtiyeedka lagu xusi doono hadii rabi idmo qodobo qeexaya heshiis la wada gaaray oo ku saaban doorashooyinka siday u dhici doonaan.
Qodobada ay isla soo saari doonaan waxaa ka mid ah in Madaxweynaha ay soo dooran doonaan mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal kuwaasoo ay shacabku soo dooran doonaan.

Sidoo kale warmurtiyeedka oo ay labada dhinac saxiixi doonaan waxaa ka mid ah heshiisyada lagu xusi doono in awooda Ra’iisyulwasaaraha iyo cida ridi karta loo dhaafi doono sidii hore oo Baaramaanku uu noqon doono kuwa kalsoonida kala laaban kara.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -