HomeWarkiiXOGTA: labada qeyb ay u kala jabeen Mucaaradkii dhawaan ku shirey Kismaayo

XOGTA: labada qeyb ay u kala jabeen Mucaaradkii dhawaan ku shirey Kismaayo

Shirkii 20-kii bishaan lagu soo gabagabeeyay Magaaalada Kismaayo waxaa laga helayaa xogo muujinaya in mucaaradka halkaasi ku shirey ee Golaha Musraqbalka ay laba dhinac u kala jabeen kuwaasoo kala ah koox wadata Shariif iyo koox wadatay Saciid Deni.

kala jiidashaan ayaa timid kadib markii mucaaradku maalintii koowaad iyo labaad ee shirka aad looga dooday hogaanka Golaha shaqsigii loo dhiibi lahaa, Siyaasiyiinta Golaha kuwa ugu tunka weyn ayaa laba qeyb u kala jabay marka la eego shaqsiga noqonaya Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka.

Cabdi Faarax  Shirdoon Saciid iyo Axmed Madoobe ayaa u ol-oleynayay in Shariif Sheekh Axmed uu noqdo Gudoomiyaha Golaha mustaqbalka halka Xasan Cali Kheyre,Maxamed Xuseen Rooble iyo C/raxman C/shukuur soo jeediyeen in Saciid Deni loo doorto Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka Somalia.

Kadib markii la isku khilaafay waxay mucaaradku keeneen farsamo ay uga gudbaan arintaan waxayna isku raaceen in Shariif shir gudoon iska ahaado laakiin la iska daayo doorashada Gudoomiyaha Golaha ,sidoo kale waxay isku raaceen in gudigii lixda ka koobnaa ee hore loo soo jeediyay uu sidiisa u shaqeeyo.

Si kastaba masuuliyiinta Mucaaraka midkoodna arintaan banaanka ma keenin madaama ay si hoose isku fahmeen si shaqadooda u sii socoto iyagoo wada-jira.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -