HomeWarkiiXOGTA: Kulan xasaasi ah oo maanta Muqdisho ay ku leeyihiin Lafta-Gareen, Qoor-Qoor...

XOGTA: Kulan xasaasi ah oo maanta Muqdisho ay ku leeyihiin Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Cali Gudlaawe.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku wada yeeshaan sedexda Madaxweyne ee Maamualada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo leh kulan daaran waqtiga kala guurka iyo danaha maamuladaasi marka la eego isbahaysiga ay kula jiraan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Kulankaan oo ah mid siyaasadeysan xili Madaxweyne Xasan ku maqan yahay Dalka Qadar ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan ujeedaka Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Cali Gudlaawe iyadoo wararka qaar sheegayaan in masuuliyiintaani doonayaan inay iyaga horta yeeshaan mowqif mida si ay iyagoo wada jira danahooda kula gorgortamaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh xili dalku kala guur siyaasadeed uu wajaayo .

Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Cali Gudlaawe waxay doonayaan inay ka faa’iideysanayaan waqtiga madaama mucaaradka oo is urursanaya islamarkaana doonaya inay Xasan ka ritaan kursiga iyo Xasan oo isagana xiligaan aad ugu baahan sedexdaan maamul Goboleed si uu caalamka u tuso inuu Somalia inta badan isku wado.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay doonayaan sedexdaan Hogaamiye, ugu horeyn waxaa ka go’an inay helaan nafis siyaasadeed oo u sahlaya inay sii heystaan xilalkooda madaama xiligii doorashada la wada gaaray marka la eego sedexdaan Maamul Goboleed,sidoo kale waxay doonayaan inay wada-jir uga dhacsadaan Xisbiga JSP hadii sida Xasan doonayo dalku aado doorasho dadweyne.

Si kastaba lama oga Xasan oo is bad-badal badan sida uu isugu wadi doono danihiisa gaarka ah ee Xisbiga gaar ahaan asxaabtiisii hore ee UPD kula soo jirey iyo kuwa cusub ee hada JSP lagu wada midoobey.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -