DAARU-NIMCA (DAYNIILE.COMWararka laga helaayo deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaai oo ay heystaan Alshabaab lagu dhex dilaay sarkaal kooxdaasi ka tirsanaa.
Koox ka tiran ciidamada macawisleyda Beesha Abgaal gaar ahaana ka soo jeeda deegaankaasi Daaru-nimca ayaa la soo sheegayaa goordhaw inay fuliyeen howlgalkaasi oo ahaa mid naf hurnimo ah madaama ay si qarsdoodi ah iyagoo dhowr ah ku galeen deegaankaasi oo alshabaab ay haystaan.
Macawisleyda ayaa gudaha deegaankaasi waxay ku soo qaarajiyeen Sarkaal caan ka ahaa Alshabaab dhexdooda kaasoo lagu magacaai jirey Faracadde inkastoo wali Alshabaab ka hadlin wararkaani.
Ninkaan la dilay ee Alshabaab waxaa la soo sheegayaa inuu dadka iyo deegaanba dhibaato ku ahaa, wuxuuna u qaabilsanaa miinada.
Faracadde ayaa u qaabilsanaa kooxda dhanka Miinada oo la sheegay in uu ahaa nin deegaanka ka gaystay dhib badan,howlgalka wuxuu ahaa mid nahuirnimo ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
