HomeWarkiiXOGTA: Madaxda sare ee Dalka iyo ku lug lahaanshahooda xiisada Gobolka Sanaag

XOGTA: Madaxda sare ee Dalka iyo ku lug lahaanshahooda xiisada Gobolka Sanaag

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Madaxda sare ee Dowlada Somalia ay wax badan kala socdaaan xiisada Gobolka Sanaag ka taagan taasoo u dhexeysa maamulada SSC Khaatumo iyo Maamulka Puntland.
Sidoo kale waxaa isa soo taraya wararka adkeynaya in madaxda sare ee Dowlada sida Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwaarae Xamse kala shaqeynayaan Maamulka SSC Khaatumo sjdii uu ku fidi lahaa ayna u ugu soo biiri lahaayeen dadka Gobolada Sanaag iyo Heylan si loo balaarsho maamulkaasi una buuxiyo shuraadaha uga harsan maamul goboleed rasmi ah inay noqdaan.
Madaama maamulka Puntland aqoonsaneyn SSC Khaatumo waxay aad ugu dadaalayaan inay kala ilaaliyaan inay isku biiraan dadka Sanaag, Heyland iyo Sool si halkaasi uu uga soo baxo maamul Goboleedka SSC Khaatumo oo ka xoog badan sida uu hada ku bilowday halka Dowlada Somalia ay iyaduna taas tageereyso waana sababta hada xiisada ka dhalisay Gobolka Sanaag.
Maamul la dhaho Maakhir oo ay hore u sameysteen beesha Warsangeli ayay Dowladu ka shaqeyneysaa inay la midoobaan walaalahooda dhul-bahante ee SSC Khaatumo si maamul weyn oo buuxa ay u noqdaan.
Xiisada ayaa cirka isku shareertay markii ay soo baxeen dhaqdhaqaaqa uu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland kaasoo ka soo jeeda Beesha Warsangeli , wuxuu doonayaa inuu shirweyne ugu qabto reerkiisa Magaalada Ceel-buh si ay ugu biiraan Maamulka SSC KHaatumo halka Puntland taas ka soo horjeedo.
Wararka ugu dambeeya ayaa tilmaamaya in si arintaasi loo fuliyo Dowlada Somalia ciidamo iyo huba ku teegereyso SSC Khaatumo  xili Puntland taas cabasho badan ay ka muujineyso, xiisadaasi ayaana hada taagan iyadoo laga cabsi qabo in iska hor imaad ay isu badasho dhaq dhqaaqyada hada socda.
Madaxda sare way ka gaabsadeen wali wax war ah kama soo saarin eedeymaha dhankaasi kaga imaanaya xitaa wasaarada gaashaandhiga kama hadlin, walow baraha bulshada lagu arkayo dhiilo xitaa talisyada ciidamada Dowladu ku lug leeyihiin inkastoo cadeymo aan loo heyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -