Waxaa soo baxaya xogo sheegaya in Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto uu mucaaradka garab ku siinayo islamarkaana uu isagu lug weyn ku leeyahay qorshe mucaaradka Somalia ay ku doonayaan Shirka Kismaayo inay ku diyaariyaan qorshe ah inay Dowlad kale dhisan hadii Madaxweyne Xasan muda kororsi sameysto ama uu doorasho boob ah isku soo caana shubo.
Kismaayo waxaa maal-mahaan ka socda abaabul xoggan oo uu wado Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe kaasoo uu ku qaban qaabinayo shir ay ka soo qeybgalaan in ka badan 150 ergo oo siyaasiyiinta Mucaaradka u badan.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Kenya wada kasta u mareyso sidii mucaaradka loo mideyn lahaa gaar ahaan Farmaajo oo diidan inuu Mucaaradka Kismaayo ku shiraya ku biiro si ay maqaam sare u yeelato mucaaradada lagaga soo hor jeedo Dowlada Madaxweyne Xassan.
Siyaasada oo la sheego inay dano joogtaa leedahay lama yaqaan danta Kenya ugu jirta inay garab siiso mucaaradka xlili xiriirka kala dhexeeya Dowlada Somalia uusan xumeyn xiliyadaan danbe oo ay u muuqdeen kuwo wada shaqeyn leh.
Dowlada Somalia oo waqtigu ka sii dhacayo lama yaqaan sida ay isaga riixi doono mucaaradada ka soo wajahan Kismaayo madaama ay halkaasi isugu tagayaan dhamaan mucaaradka Somalia.
Dhanka kale warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan u qorsheysan tahay inuu noqdo Madaxweyne aan dhicin sida Jabuuti,Uganda,Itoobiya,Eriteria,Masar, iyo dalal badan oo Afrika ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
